Kooxda Chelsea oo kharashaadka socdaalka laga bixinayo

Image
Cunaqabateynta lagu soo rogay mulkiilaha kooxda ayaa sababtay hoos-u-dhac ballaaran.

LONDON- Kooxda ka ciyaarta horyaalka dalka ingiriiska ee Chelsea ayaa wajaheysa dhaqaalo xumo tan iyo markii Boqortooyada Ingiriiska ay cunaqabeynta kusoo rogtay milkiilihii kooxda, Roman Abramovich.

Kai Havertz oo ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa in uu ka bixinayo kooxda kharashaadka socdaalka ee kulanka FA Cup-ka ay la leeyihiin kooxda Middlesbrough maalinta Sabtida ah.

Cunaqabateynta lagu soo rogay mulkiilaha kooxda ayaa sababtay in qoondada kharashaadka safaradda hoos loo dhigo oo lagu soo koobo lacag gaareysa £20,000 ($26,000) siisocod iyo soosocodba.

Qoondada safaradda oo yar darteed ayay kooxda awoodi waydey in ay bixiso kharashadka duulimaadka, taasi badalkeedana ay door bidayaan in ay qaataan gaari bas ah.

Ciyaaryahanka ayaa lacagtan ka bixinaya jaabkiisa asagoo sheegay in muhiimadu tahay in ay kooxda kulankaas ka baaqan oo ay ciyaarto.

Kai Havertz ayaa sheegay mar uu ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka tartanka kooxaha Yurub ay Chelsea la ciyaareyso kooxda horyaalka dalka Faransiiska ee Lille ayaa yiri, “Dhib malahan, waan bixin doonaa, taasi culays weyn ma ahan.”

Ciyaaryahanka ayaa intaasi ku daray in ay gaari ama diyaarad ku aadaan kulan banaanka lagusoo ciyaarayo ay jiraan xaalado ka adag marka lala barbardhigo kuwa dunida ku sugan tahay iminka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin oo loo diiday gelitaanka Mareykanka

Infantino ayaa toddobaadkan sheegay in FIFA ay isku dayday inay xaliso dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka.

  • Cayaaraha

    13-06-2026

  • 09:44AM

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM