Kooxda Leicester oo la gudoonsiiyey koobka horyaalka Ingriiska

Image
Image
Image
Image
Image

Kooxda Leicester ayaa la gudoonsiiyey horyaalka kubadda cagta ee dalka Ingriiska kadib markii Everton kaga badiyeen aqalkooda.

Leicester ayaa cayaar ka tirsan is-araga horyaalka Ingriiska kaga kor talaabsadey 3:1 kooxda Everton. 

Labo goolashaan kamid ah waxaa kooxda Leicester u dhaliyey cayaaryahanka weerarka uga cayaara Vardy halka goolka kale uu dhaliyey King. 

Kooxda Everton ayaa daqiiqadii 88aad waxaa gool kaliya u dhaliyey Mirallas. 

Koobka horyaalka Ingriiska ayaa waxaa gudoomey maalqabeenka iska leh kooxda Leicester ee u dhashey dalka Thailand Vichai Srivaddhanaprabha iyo tababaraha Claudio Ranieri.

Horyaalka Ingriiska ayaa cayaarihiisa ugu dambeeya waxaa ay dhacayaan May 15, 2016 iyadoo loo kala tartamayo kaalimaha labaad, sadexaad, Afraad iyo kuwa kale halka dagaal adag ka dhexeeyo kooxda Aston Villa iyo Newcastle kuwasoo ka baqaya iney ka haraan tartanka bilaami doona 2016/2017.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM