Leicester City oo ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska

Image

Kooxda Leicester City ayaa ku guulaysatay horyaalnimada Ingiriiska, tanina waxay noqonaysaa mid ka mid ah taariikhaha ugu waawayn ee dhanka ciyaaraha.

Barbarihii 2 iyo 2 ahaa ee Tottenham ay la gashay Chelsea ayaa sababtay guushaas cajiibka ah ee ay gaartay kooxda uu hogaamiyo tababare Claudio Ranieri.

Rajada Leicester ay ka qabtay koobka bilawgii xilli ciyaaraadka ayaa ahaa shan kun oo meeloodaw meel, xilli ciyaareedkii horana waxayba ku sigteen in ay ka mid noqdaan saddexda kooxood ee u dhibca hooseeya ee laga eryo horyaalka Ingiriiska. 

Waxaa laga badiyay saddex ciyaarood xilli ciyaareedkan taas oo lagu tilmaamay wax cajiib ah. Kooxaha ugu soo dhawaa ee Spurs, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United iyo Kooxda Chelsea oo koobka difaacanaysay ayaan midkoodna u soo dhawaanin kooxda lagu naanayso dawacooyinka ama Foxes.

BBC

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM