Muxuu ku soo dhamaaday kulankii Koonfur Galbeed iyo Jubbaland?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciyaartooyda xulka Jubbaland ayaa waxaty iska xaadiriyeen kama danbeysta ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen ciyaartooyda xulka Koonfur Galbeed. 

Garoonka Banaadir Stadium ayaa galabta marti galiyay ciyaar aad u xiisa badneyd oo ay ku hardameen ciyaartooyda xulalka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay jamaahiir aad u fara bada oo laba dhinac taageersanaa. 

Ciyaartooyda Jubbaland ayaa qeybtii hore ee kulanka hogaanka ciyaarta qabtay markii ciyaariyahan Muuse Cabdiraxiin uu laad banaanka ah dhex-dhigay shabaqa ciyaartooyda Koonfur Galbeed Ciyaarta ayaa qeybtii hore sidaasi ku soo idlaatay waxaana hogaanka ciyaarta hayay xidigaha Jubbaland markii la isku soo laabtay kulanka qeybtiisa labaad ayaa labada dhinac waxay ku so galeen isbadalo ay ka sameeyeen ciyaarta. 

Xidigaha Jubbaland oo kulanka soo bandhigay qaab ciyaareed aad loogu riyaaqay ayaa waxay bartamaha qeybtii labaad ee ciyaarta ay heleen goolkii labaad waxaana dhaliyay markale Muuse Cabdiraxiim oo loo doortay xidigii ugu fiicnaa kulanka ciyaarta ayaana sidaasi ku soo idlaatay. 

Xulka Koonfur Galbeed ayaa gabi ahaan tartanka isaga haray halka kama danbeysta ciyaaraha dowlad goboleedyada ay isugu soo hareen xulalka Jubbaland iyo Puntland oo si lamid ah sidan sanadii hore iskugu arkay ciyaartan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM