Ronaldinho: Laacibkii hore ee xulka Brazil oo qirtay dacwadii loo haystay

Image

ASUNCION, Paraguay – Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Barcelona, Ac Milan iyo xulka Brazil, Ronaldinho, ayaa loo ogolaadey in uu dalkiisa ku laabto markii uu galay heshiis dambi qirasho oo la xiriirta dacwadii loo haystay.

Heshiiskan oo laacibkan ka foganaya in diiwaan-gelinta loo geliyo dambiile ayaa wuxuu ku bixin doonaa $90-kun oo ganaax lacageed ah.

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayaa xabsi loo taxaabay markii lagu eedeeyay in ay waddankaas ku galeen Baasaboor aan waxba ka jirin [been abuur]. Walaalkiisa, Roberto Assis ayaa ku wehliyey safarkaas tiiraanyada u horseeday.

Kadib markii ay muddo ka badan hal bilhood xabsi ku qaateen waxaa loo wareejiyey xabsi guri ay ciidamadda ammaanka ku ilaalinayeen.

Assis oo diiwaan-gelinta loo gelin doono dambiile ayaa heshiiska dambi qirashada qeyb ka ah, isagoo bixiyey aduun lacageed dhan 100-kun oo Doolar.

Heshiiskaan wuxuu meesha ka saarayaa shan sano oo xarig ah oo ay xabsi ku qaadan lahaayeen, waase hadii lagu heli lahaa dambigaas culus.

Wareysi uu bixiyey mudadii uu xirnaa, Ronaldinho wuxuu sheegay in uusan ka war-hayn hadii Baasaaboorka uu dalkaas ku galay uu ahaa mid bug ah.

Ronaldinho oo xarigiisa qabsaday warbaahinta caalamka maalmo badanna la hadalhayey ayaa ku jira liiska xidigaha ugu wanaagsan ee taariikhda soo martay kubada cagta, isagoo laba jeer noqdey laacibka ugu fiican dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin oo loo diiday gelitaanka Mareykanka

Infantino ayaa toddobaadkan sheegay in FIFA ay isku dayday inay xaliso dhibaatooyinka la xiriira fiisooyinka.

  • Cayaaraha

    13-06-2026

  • 09:44AM

Arsenal oo ku Guuleysatay Horyaalka Premier League markii ugu Horreysay ka dib 22 Sano

In kasta oo bishii April ee la soo dhaafay ay soo food saartay cabsi xooggan ka dib markii looga badiyay 2-1 kulankii Manchester City.

  • Cayaaraha

    19-05-2026

  • 08:56PM