Akhriso Shaxda ugu wanaagsan Kubada Cagta ee 2017

Image

Xiriirka Kubada Cagta ee Qaarada Yurub ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta taageerayaasha ee shaxdii ugu wanaagsaneyd Sanadkii tagey ee 2017.

Codeynta oo aalaaba ay sameeyaan Jamaahiirta kubada cagta ayaa waxaa sanadkan codkooda dhiibtay 8.8 Milion oo taageerayaal kubada cagta ah, iyadoo Xiriirka Qaarada Yurub ayaa iyaguna soo bandhigay natiijo dad badan ka yaabisay.

Laacibka xiligan ugu qaalisan Kubada Cagta ee Neymar ayaa laga waayay shaxdii ugu wanaagsaneed ee 2017 halka uu shaxda ka soo muuqday Laacibka kooxda Chelsea ee Eden Hazard.

Joog dheeraha Portugal iyo Real Madrid ayaa ka soo muuqday shaxda kadib codeyn ay sameeyeen taageerayaal waana markiisii 12-aad ee shaxda sanadkan lagu arkayo.

Kabtanka Los Blancos Ramos ayaa kasbaday codadka ugu badan ee jamaahiirta kubada cagta Hazard ayaa isna ka batay isla markaana kala baxay Laacibka reer Brazil ee Neymar.

Kevin De Bruyne ayaa sidoo kale shaxda ka soo muuqday isagoo helay codad aad u badan.

Gianluigi Buffon ayaa isna ka soo muuqday shaxda waana xidiga ugu da'da weyn guud ahaan shaxda markii 5-aad ayuuna ka soo muuqday shaxda ugu wanaagsan sanadka ee codeynta taageeriyaasha kubada cagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lionel Messi oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay xulka Argentina

Messi oo 39 jir ah ayaa sheegay in go’aanka uu ahaa mid aad u xanuun badan, balse uu fahmay in waqtigii uu ka tagi lahaa xulka uu yimid.

  • Cayaaraha

    31-08-2026

  • 04:21PM

Guuldarradii Norway Kaddib, Neymar oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga ah

Waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Brazil, isagoo jabiyay rikoor ay muddo dheer haysteen halyeeygii kubadda cagta Pelé.

  • Cayaaraha

    06-07-2026

  • 05:45AM