Baratanka dhinaca warbaahinta dowladda iyo Al-Shabaab

Image
Markasta oo xogta rasmiga ah ee dagaalada ay qaldanto, waa markasta oo uu qaldamo qiyaasta saxda ee dagaalada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dalka waxa uu ku jiraa dagaal kii ugu foosha xumaa oo aanan hambaynaynin bira magaydada, gaaray illaa heer la duugo ceelashii biyaha, la gubo sahaydii raashiin ee ay dadka cuni lahaayeen, lagana hortago samofalkii la gaarsiin lahaa dadka abaarta halakaysay.

Shaki ma leh in dowladda illaa xad qaadanayso doorkeeda ku aaddan dagaalada socda, haddane waxa uu jiho wareer weyn ka jiraa cidda u xilsaaran ka warbixinta dagaalada si bulshada iyo adduunkaba u helaan xog sugan oo ku saabsan waxa socda.

Maadaamaa meelaha ay dagaalada ka socdaan aysan saxaafadda u lahayn galaangal ku filan, waxaa maalin kasta soo baxa sheegashooyin guulo laga gaaray dagaalka, meelo la iska qabsaday, qasaaraha dagaalka iyo dad muhiim ah oo ku dhintay dagaalka.

Caadiyan marka dagaalada caynkan ah ay socdaan ee baaxadan leh, dowladaha waxaa caado u ah in ay sameeyaan xarunta ka warbixinta dagaalada, taas oo lagu soo bandhigo qariidado, sawirro, tirakoobyo iyo xaqiiqooyin taxan.

Waxaa kaalintani buuxin karta wasaaradda warfaafinta, oo kaashanaysa ciidanka xoogga dalka, madaxtooyada iyo xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo dowlad goboleedyada.

Hadda waxa dhacaya waa in aan xog sugan laga helin dagaalka gaar ahaan marka fooda ay isku daraan argagixisada iyo ciidanka xoogga waxaana dowladda ay diiradda saartaa guulaha dhankeeda ah.

Markasta oo xogta rasmiga ah ee dagaalada ay qaldanto, waa markasta oo uu qaldamo qiyaasta saxda ee dagaalada, taas oo xitaa saamayn karta dagaalka laftiisa.

Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ku hardamaya in ay saameeyaan hab-fekerka dadweynaha. Wariye ka tirsan warbaahinta qaranka ayaa ku dhintay qarax uu ku naf-waayay taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole. Saxaafada madax-banaan ayaan fursad u helin in ay tagaan furimaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM