Kacdoonka Shacabka: Wadadii 'looga adkaan lahaa" AlShabaab

Image
Muddo sanado ah, qabaa'ilka Soomaaliyeed waxay isku dayeen inay iska caabiyaan dalabaadka uga imaanaya maleyshiyada hubeysan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muddo sanado ah, qabaa'ilka Soomaaliyeed waxay isku dayeen inay iska caabiyaan dalabaadka uga imaanaya kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan canshuuraha loogu yeero "zaakada," oo lagu daray xoolo, hub iyo wiilal la askareeyo.

Balse, kacdoonka shacabka ayaa u muuqda mid si wanaagsan u curtey sanadkan waana fursad uu ka faa'ideysan karo maamulka Xasan Sheekh, sida ay qabaan falanqeeyeyaasha.

Abaabulkan ayaa ku soo beegmay "waqti ku haboon," ayuu yiri General Daahir Aadan Cilmi oo loo yaqaan "Indhoqarsho," oo ah taliyihii hore ee ciidamada Soomaaliya.

Cilmi ayaa sheegay in markii hore aysan jirin wax wada shaqeyn ah oo u dhaxeysay maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

“Marar badan ayaa dowladda iyo dadka deegaanka ay si gooni gooni ah u dagaalameen, dadka deegaanka kaligood ayaa dagaalamay, dowladdana kaligeed ayaa dagaalamaysay, natiijadiina waxa ay noqotay guul daro,” ayuu yiri Cilmi oo la hadlay VOA.

Wuxuu raaciyey: "Haddii dowladdu ay awood ku taageerto arrintan [abaabulka], waxaan arkaa in tani ay noqon doonto waddadii looga adkaan lahaa Al-shabaab."

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada abaabulan ee dadka deegaanka, waxayna ku baaqday in la ballaariyo iska caabinta gobollada kale.

Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa sheegay in uu doonayo in Al-shabaab loo adeegsado istaraatiijiyad cusub, si loola dagaallamo dhinacyada dhaqaalaha iyo sidoo kale dhanka ciidamada, si lamid ah in aan kaliya la wiiqin Al-shabaab, balse loo ciribtirayo guud ahaan maleyshiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM