Xalka gadoodka ka dhashay go'aanadii Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Tan iyo markii uu soo baxay war-murtiyeedkaas, heer=kulka siyaasada Soomaaliya ayaa xasilooneyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii Golaha Wadatashiga Qaranka uu soo saarey go'aano si weyn u badalay nidaamka siyaasadeed ee dalka, heer-kulka siyaasadda ayaa gaarey meeshii ugu sareysay.

Siyaasiyiin xilalka ugu sareeya soo qabtey, qaar hadda kamid ah goleyaasha dowladda iyo Puntland ayaa si yaabo kala duwan uga hor-yimid kuna baaqay in gabi ahaanba meesha laga saaro qodobadaas.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaan ka qeybgelin kulankan oo ahaa fadhigii lixaad tan iyo markii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortey.

Soojeedinta ayaa waxaa kamid ahayd in dalka ka guuro nidaamka baarlamaaniga ah una guuro madaxtooyo taasoo ka dhigan in dastuurka wax laga badalo una baahan yahay hanaan wadar-ogol ah.

Xuseen Sheekh Maxamuud, agaasimaha Villa Soomaaliya oo ugu baaqay darafyaddan oo dhan in ay shakiga yareeyaan ayaa xusay in ay diyaar u yihiin wadahadalo laga hadlo arrinkan si gaar ah Puntland.

"Dowlada federaalka wali kama tashan Puntland. Waxaan ka sugeynaa in ay miiska keenaan doodooda. Dowlada federaalka waxay diyaar u tahay in ay si gaar ah ula hadasho Puntland," ayuu caddeeyay.

Wasiiru-dowlaha madaxtooyadda Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa go'aanada madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ku tilmaamay "awood-maroosi, laaluush iyo indho-sarcaad".

"Dowladda federaalka haddii ay diyaar u tahay in ay nala hadasho haku dhawaaqdo guddiga aan anagu sameynay. Markaas kadib waxaanu arkaynaa haddii ay dhab ka tahay iyo haddii kale," ayuu tibaaxay.

Afyare Cilmi, agaasimaha daraasaadka siyaasadda ee machadka Heritage, ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in is-maan-dhaafka ay xudun u tahay in aan laga heshiin hanaanka loo marayo qabyo-tirka dastuurka.

"[Xalka khilaafka dhan] waa in marka hore lagu heshiiyo habka loo marayo dib-u-eegidda dastuurka. Dhameystir maahee waa in magac kale loo bixiyaa oo ka duwan sidda haatan lagu waddo," ayuu xusay.

Dastuurka aan dhameystirneyn ee Soomaaliya ayaa la markii ugu dambeysay waxaa la meelmariyey 2012-kii, waxaana tan iyo xilligaas loo marayay dhameystirkiisa hanaan kala duwan oo wali aan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labo sano guurada Xasan Sheekh iyo Labo dacaayadood is-hartinaya

Warbaahinta Dowladda ayaa faafisay barnaamij amaan ah halka kooxda AS ay baahisay warbixin naqdineysa arrinkaas.

  • Faalada Warka

    17-05-2024

  • 04:07AM

Su’aallo ka dhashay “dhaar cusub” uu Ra’iisul Wasaare Xamse mariyay 15 wasiir

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhalisay dhaleecayn iyo jahawareer soo wajahay shacabka.

  • Faalada Warka

    03-05-2024

  • 03:33AM