Qofkii saacado badan isticmaala Instagram oo helaya fariin ka farxisa

Image

Hadii aad isticmaashid Instagram saacado badan, ogsoonow waxay shirkadda soo kordhin rabtaa maalmaha soo socda fariin toos kula hadlaysa, oo la yiraahdo “take a break” ka naso shaashadda indhaha ku haysay maantoo dhan.

Shirkadda Instagram ninka madaxd u ah Adam Mosseri ayaa muuqaal kooban oo Twitter soo dhigay ku sheegay in fariinta “Take a Break” [Ka naso shaashadda] ugu tala-galeen inaysan noqon dadka isticmaala [Users-ka], kuwa balwad u noqota aaladda, oo qabatiima.

Kuma qasabana qof walba in “Take a Break”, lasoo hadasho, qofkii aan rabin waxuu iska saari karaa Off, halka qofkii raba inuu ka nasto ka dhigan karo On, waxaana helaysaa 10, 20, ama 30 daqiiqo oo nasasho ah.

Tallaadaban ayaa timid kadib markii dad badan ay ku eedeeyeen shirkadda Facebook ooh adda la baxday [Meta], oo Instagram hoos tagta inay isticmaaliyaasha [Users-ka] maskaxda ka gumeystaan, oo aaladahooda u noqdeen balwad, aan laga dul-istaagin 24-saac.

Facebook oo markii fadeexad soo wajahday oo ku aadan xad-gudubka carruurta waxyaabo aan loogu tala-galin inay la wadaageen, ayaa magacii iska bedeshay oo la baxdey Meta, iyadoo ka carareysa magaca-xumo, maadaama ay tahay hooyadda aalado badan oo Instagram, Messenger iyo WhatsApp ay hoos yimaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM