Adaanka Salaada oo markii ugu horeysay laga maqlay magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga 8 qarni ka dib

Image
Adaanka ayaa laga sii daayay Masjidka ku yaala Talyaaniga oo markiisa hore ahaa Kaniisad.

Palermo (GO) - Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay adaanka salaadda oo laga sii daayay Masjidka “Jamhuuriyadda Tunisiya” ee ku yaala magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga markii ugu horreysay muddo 8 qarni ah.

Codka Adaanka Salaada Maqrib ee laga daayay Masjidka ayaa lahaa sheekhii geeriyooday ee Tuniisiya Cali Al-Buraaq.

Mar sii horeysay Sheekh Badri Al-Madani oo ah imaamka masjidka ku yaala magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga ayaa wareysi uu siiyay idaacada Jawhara FM waxa uu ku sheegay in Adaanka salaada looga yeeri doono masjidka, ka dib in ka badan 800 oo sano oo uu hakad ku jiray.

Al-Madani waxa uu ku macneeyay in adaanka Salaada marka hore lagu soo koobi doono oo kaliya Salaada Maqrib iyo Cisha iyo Jimcaha.

Masjidkan ayaa markiisa hore ahaa Kaniisad qadiimi ah, in ka badan 1000 ka hor, ka dibna lagu wareejiyay Jaaliyadda Tuuniisiya ee ku nool dalkaa 1990-kii.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM