Adeegga qidmadda ku xiran ee Twitter oo dib loo bilaabay

Image

WASHINGTON, USA - Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in ay dib u bilaabayso in macaamiisheeda ay iibsadaan calaamadda buluugga ah kadib markii ay horey u joojisey labo maalmood oo keliya markii ay hawsha socotay.

Qofka doonaya in calaamadda buluugga ee figta ah loo saaro ciwaankiisa, waxa uu bishii bixinayaa $8 doolar, waxaana loo ballan-qaaday in qoraaladiisa ay aad u faafi doonaan, uuna awoodi doono in uu soo galiyo muuqaalo dhaadheer. Waxa kale oo laga xirayaa xayaysiiska badan ee uu arkayo.

Shirkadaha iyo hay’adaha dowliga ah ayaa loo sameeyay calaamad cusub oo dahabi ah, balse lama sheegin qiimaheed. Dadka ka isticmaala taleefoonka Iphone-ka, iyaga $11 doolar ayay bixinayaan.

Dib-u-dhaca ku yimid adeegan ayaa yimid kadib markii dad si been abuur ah ay isugu dayeen in ay u ansaxsadaan ciwaano ay leeyihiin shirkado waaweyn sida shirkadda Nintendo iyo waliba tan uu leeyahay mulkiile Tusk ee Space X.

Mulkiilaha cusub ee Twitter-ka Elon Musk ayaa weli wajahaya caqabado dhanka fulinta qorshayaashiisa, iyada oo ay jiraan dad badan oo kasoo horjeeda isbadelada uu la yimid oo ay ka mid tahay in aanan la faaf-reebin waxyaabaha la faafinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM