Afar qof oo xabsi loo seexiyay weerarkii ka dhacay caasimada Russia

Image
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay falkaas.

WASHINGTON, USA - Afar nin oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xasuuqii ka dhacay hoolka ruwaayadaha ee Moscow kaasoo ay ku dhinteen 137 qof ayaa xabsi la seexiyay, sidda ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Dhammaan afarta tuhmane ayaa lagu soo oogay dacwad argagixisanimo, sida ay sheegtay maxkamadda degmada Basmanny ee magaalada Moscow, waxaana ay wajahayaan xabsi daa’in.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartey in laba kamid ah eedaysanayaasha ay qirteen dambiga, mid ka mid ah oo u dhashay dalka Tajikistan, ayaa "gebi ahaanba iska fogeeyay dambiga".

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ciqaabi doono kuwii ka dambeeyay “weerarka argagixiso ee waxashnimada ah”, wuxuuna Sabtidii sheegay in afarta nin ee hubaysan la qabtay xilli ay isku dayayeen inay u baxsadaan Ukraine.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Kiev ayaa si adag u beenisay inay wax xiriir ah la leedahay weerarka. Putin ayaan si guud uga hadlin sheegashada kooxda Daacish ee weerarka.

Ugu yaraan 137 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa la dilay fiidnimadii jimcaha kadib markii rag hubaysan ay weerareen hoolka Crocus City Hall ee ku yaal duleedka waqooyi ee Moscow ee Krasnogorsk kadibna dab qabadsiiyeen dhismaha.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Yurub ka dhaca oo ay sheegtaan Daacish. Falkan waxa uu yimid iyadda oo Putin uu u dabaaldegayo guushii uu ka gaarey doorashaddii ka dhacdey waddankaas ee mar kale uu kusoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM