Afhayeenka Ciidamada Israa’iil oo ka badbaaday isku day dil

Image
Weerarada ay Falastiiniyiinta ka gaysanayaan gudaha Israa’iil ayaa sii kordhaya.

Tel Aviv (GO) - Warbaahinta Israa’iil ayaa maanta ku dhawaaqday in afhayeenka ciidanka ee afka Carabiga, Avichay Adraee, ka badbaaday isku day dil.

Channel 14 ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday Adraee uu dhacay bil ka hor, waxaana uu ka dhacay xaafada Raanana oo ku taal waqooyiga magaalada Tel Aviv.

Warbaahinta ayaa sheegtay in mindi lagu weeraray afhayeenka ciidamada Israel, laakiin Adraee ayaa ka badbaaday weerarkaas.

Waxaa sidoo kale ka dhacay xaafada Raanana 15-kii Janaayo, weerar tooreey u adeegsadeen labo falastiiniyiin ah oo is kaashanaya, kaasoo sababay dhimashada haweeney da’ ah iyo dhaawaca 18 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM