Al-Siisi: Taageerada Masar ee Soomaaliya lama xiriirto Xiisadda Itoobiya

Image

QAAHIRA - Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi ayaa Axadii sheegay in taageerada Masar ee Soomaaliya aysan la xiriirin Itoobiya balse ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo dib u soo celinta xasiloonida.

"Waxaan u taageerayno Soomaaliya, ma ahan xiisadda nagala dhaxaysa Itoobiya sababteeda...maxaa yeelay dalkan wuxuu ku jiray xasillooni-darro in ka badan 30 sano," ayuu madaxweyne El-Siisi.

El-Sisi waxa uu hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee magaalladda Qaahira oo ahayd Xafladdii Qalin-jabinta askar cusub, oo ku biiraya ciidamada Masar.

14kii August 2024, Masar iyo Soomaaliya waxa ay kala saxiixdeen heshiis amni, kaas oo ay Qaahira ugu soo dirtay Soomaaliya gargaar militari si loo taageero loona xoojiyo awoodda ciidamada dowladda Federaalka.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah taageerada Masar ay siineyso Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasilooni, la dagaalanka argagaxisada, iyo dhowrista madax banaanideeda iyo midnimadeeda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar todobaadkii hore.

Tan iyo bishii Jan 2024, xiisadda Geeska Afrika ayaa sii kordhaysay, ka dib markii Somaliland ay heshiis 20 KM oo bad ah ka kiraysay muddo 50 sano ah dowladda Itoobiya oo aan bad lahayn, taas oo ujeeddadeedu tahay inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka samaysato Badda Cas.

Masar ayaa marar badan ku celcelisay mowqifkeeda adag ee ay ku taageereyso midnimada iyo madax-banaanida dhulkeeda ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM