Amiirka Qatar Sheekh Sheikh Tamim oo ku wajahan Tehran

Image

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa inuu Kkamiista booqdo magaalada Tehran kadib booqashadii uu madaxweynaha Iran ku tegay Doha, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

“Amiirka Qatar waxa uu 12-ka May iman doonaa Iran si uu usii wado fulinta heshiisyada iyo ballaarinta xiriirka labada dal,” waxaa sidaas maanta qortay wakaaladda.

Waxay intaas ku dartay in booqashada diiradda lagu saari doono iskaashiga la xiriira koobka adduunka 2022 ee bisha November ka billaabanaya Doha, kadib markii Iran ay sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerayaasha qaar ku marti-geliso jasiiradda u dhow ee Kish.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa Isniitii sheegay in hoggaamiyaha Qatar uu Tehran booqan doono “isaga oo ka jawaabaya booqashada madaxweyne Ebrahim Raisi uu Doha ku tegay February.”

Labada hoggaamiye ayaa saxiixay heshiisyo dhowr ah intii ay socotay booqashada Raisi oo uu kaga qeyb-galay shir madaxeed ay lahaayeen dalalka soo saara gaaska.

Xiriirka Doha iyo Tehran ayaa korayey sanadihii dhowaa ayada oo labada dal ay wadaagaan halka laga soo saaro gaaska ugu badan caalamka.

Wasiirka gaadiidka Qatar Jassim bin Said al-Sulaiti ayaa bishii April booqday jasiiradda Kish, wuxuuna saxiixay lix heshiis oo iskaashi.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa joojisay lacagta Visa-ha ee ay ka qaado adka booqanaya Kish, ayada oo rajeyneysa inay taageerayaasha koobka adduunka kusoo jiidato Jasiiradda.

Iran ayaa usoo baxday koobka adduunka markii lixaad ee taariikhda kooxda qaranka.

AFP

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM