Antonio Guterres: Bini'aadamka wuxuu ku socdaa jidka cadaabta

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madaxda caalamka ay hortaalo laba fursadood.

NEW YORK, USA - Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka ka digay in aduunka uu saaran yahay "jidka cadaabta cimiladda" xilli uu ka hadlayay shir madaxeedka Isbadalka Cimilada magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.

Guterres oo ay kulanka ku wehliyaan in ka badan 100 madax ka kala timid caalamka ayaa hoosta ka xariiqay in hogaamiyeyaasha ay kaliya haystaan laba fursadood "iskaashi iyo geeri".

"Waa heshiis midnimo cimilo ama heshiis is-miidaamin wadareed," Guterres ayaa yidhi, isagoo ku booriyay wadamada qaniga ah inay u gurmadaan wadamada faqiirka ah ee kaalinta yar ku leh wasakhowga aduunka.

Qaramada Midoobay waxay la tacaalaysaa masiibooyinka dabiiciga ah ee sii kordhaya ee galaaftay nolosha kumannaan kun oo doollar sanadkan oo keliya, waxaana ku kacay tobanaan bilyan oo doollar - laga soo bilaabo daadadka ba'an ee Nigeria iyo Pakistan ilaa abaarihii Kenya, Soomaaliya iyo Maraykanka si lamid ah kulayl aan hore loo arag oo ka dhacay saddex qaaradood.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo waddankiisu yahay kan ugu sarreeya ee soo daaya gaaska aqalka dhirta lagu koriyo, ayaan ka qaybgelin shirka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo waddankiisu uu ku jiro kaalinta labaad ee liiska ugu sarreeya ee wasakhowga, ayaa ku biiri doona COP27 dabayaaqada usbuucan ka dib doorashada xilliga dhexe ee Talaadada.

In kasta oo tobanaan sano ay socdaan wadahadalo khuseeya cimileed, COP27 waa Shirweynihii 27-aad ee ee Isbadalka Cimiladda, hase ahaatee, illaa haatan ma jiraan qodobo cad-cad oo madaxda caalamka ay iskula meel-dhigeen ajandahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM