Antonio Guterres oo digniin kasoo saarey "dunida sii holcaysa"

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhambaal u diray madaxda caalamka kahor shirka loo-dhan-yahay ee UN-ka.

WASHINGTON, United States - Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha caalamka ay wax ka qabtaan colaadaha iyo masiibooyinka cimilada, kororka faqriga iyo sinnaan la'aanta dunida.

Isagoo ka digaya wax uu ku sheegay in dunidu ay ku jirto "khatar weyn," Antonio Guterres ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay ka tacaalida kala qaybsanaanta ka dhex jirta quwadaha waaweyn ee kasii daray tan iyo markii Ruushku soo galay Ukraine.

Madaxda dowladaha caalamka ayaa Talaadada maanta ah waxay si fool ka fool ah u kulmaya markii ugu horreysay muddo saddex sano ah oo ay ku kala maqnaayeen Covid-19 aawadiis.

Khudbado iyo hadallo horudhac u ahaa bilawga kulanka hoggaamiyeyaasha Talaadada, Guterres ayaa tibaaxay in madaxda caalamka uu horyaalo "waajibaad culus" oo aan kaliya ahayn badbaadinta meeraha balse ay ku jirto "dabka holcaya" iyo la tacaalidda COVID- 19.

Guterres ayaa intaas ku jiro in xal looga baahan yahay "dhaqaale la'aanta dalalka soo koraya burburka waxbarashada, caafimaadka iyo xuquuqda haweenka.

Khudbadiisa “xaaladda adduunka” ayuu ka jeedin doona furitaanka shirka loo baahan yahay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa kaasoo ah kulanka heer caalami ee sanadle ah.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in hadal-jeedinta Guterres ay u noqon doonto "kaarka warbixinta ee miyir-qabka ah, wax ku ool ah iyo xalalka diiradda saaraya adduunka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

UN-ka oo caddeeyay mowqifkooda go’aanka Dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Muqdisho ayaa dalbtay in albaabada loo laabo xafiiska UNSOM ee magaaladda caasimadda ah.

  • Caalamka

    11-05-2024

  • 04:49AM

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM