Aqalka Cad oo ka warbixiyay su'aal uu madaxweynaha "si khaldan" u fahmay

Image

WASHINGTON - Aqalka Cad ayaa dib uga laabtay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku sheegay in Israa’iil ay dib u dhigto weerarkeeda dhulka ee la filayo in ay ku qaado Qasa ilaa laga soo deynayo maxaabiis badan oo ay haystaan ​​Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Wariye ayaa waydiiyay Biden hadii ay tahay in Israa'iil ay dib u dhigto hawlgalka dhulka ee Qasa, wuxuuna ku jawaabay: "Haa."

Laakiin Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka "uusan maqlin su'aasha ku saabsan dib u dhigista Israa'iil ee duulaanka dhulka, wuxuuna u maleynayay in su'aashu ay tahay hadii uu raacsanyahay in la sii daayo maxaabiis badan."

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Madaxweynuhu wuu ka fogay wariyaha, mana uusan maqlin su'aasha”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Khaliijka oo qaadaya tallaabooyin degdeg ah kadib weerarrada Iran

Sidoo kale, Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah warshadaha sifeynta shidaalka ee dalkaas la weeraray.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 05:25AM

Dalalka Iiraan u Oggolaatay Inay Maraakiibtoodu Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Hadalladaas ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha shidaalka…

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 05:03PM