Aqalka Cad oo la Geliyay Bandow iyo Ninkii Toogashada Geystay oo la Shaaciyay Aqoonsigiisa

Image
Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON - Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa xalay la geliyay xaalad bandow deg-deg ah kadib markii ciidamada Sirdoonka Mareykanka ay toogteen nin hubeysan oo rasaas ka furay bar-kontorool oo ku dhow madaxtooyada, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Ninka weerarka geystay oo markii dambe ku geeriyooday isbitaalka ayaa lagu magacaabi jiray Nasire Best, da’diisuna ahayd 21 jir, sida lagu sheegay warbixin hordhac ah oo ay bixiyeen laamaha ammaanka.

Saraakiishu waxay sheegeen in ninkan uu rasaas ku furay ciidamada Secret Service-ka ee ilaalada ka hayay dhismaha Aqalka Cad, taasoo sababtay in ciidamadu si deg-deg ah uga jawaabaan weerarka.

Xilliga ay dhacdadu socotay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku sugnaa gudaha Aqalka Cad, hase yeeshee wax dhaawac ah ma soo gaarin, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Trump ayaa markii dambe qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku ammaanay ciidamada ammaanka sida deg-degga ah uga falceliyay weerarka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qof rayid ah uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta ka dhacday goobta u dhow madaxtooyada.

Laamaha ammaanka waxay sheegeen in ninka la dilay uu horey ugu jiray diiwaanka booliska sababo la xiriira dhibaatooyin dhimir, isla markaana bishii July 2025 loo xiray isku-day uu doonayay inuu si xoog ah ugu galo Aqalka Cad.

Baaritaanno ayaa weli socda si loo ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM