Askar Ruushka u abaabulayey duulaanka Ukraine oo la weeraray

Image
Ugu yaraan 11 kamid ah ciidamadan ayaa lagu dilay toogasho ay fuliyeen rag hubeysan.

MOSCOW, Russia- Dabley hubeysan ayaa 11 askari waxay ku dishay weerar ka dhacay goob lagu tababaro ciidamada Ruushka Sabtidii, sidda ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee waddankaas.

Intii lagu guda jiray tababar hubka ah, laba nin ayaa rasaas ku furay koox si mutadawacnimo ah uga dagaallanta Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ria.

Kooxda weerarka fulisay ayaa ka soo jeeda jamhuuriyadii hore ee Midowga Soofiyeeti, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sidoo kale, dableyda ayaa waxaa lagu toogtay dhacdadan oo ka dhacday gobolka Belgorod ee dalka Ruushka oo xuduud la leh Ukraine. 15 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in la abaabulo 300,000 oo Ruush ah oo horay u soo qabtay shaqo ciidan oo qasab ah.

Amarkan ayaa ka dhaliyay dibad baxyo waaweyn oo ka dhan ah Ruushka, iyo dad badan oo isku dayaya inay dalka ka baxaan si ay uga badbaadaan askareyntan qasabka ah.

Wax yar ka dib markii abaabulka lagu dhawaaqay, askari qoraley ah ayaa lagu toogtay xafiiska diiwaangelinta ee Siberia. Falkaas wuxuu sii xoojiyey caradda kuwa diidey askareynta.

Toddobaadkii hore, Putin wuxuu ku dhawaaqay in in ka badan 200,000 oo qof horay loo abaabulay, wuxuuna arkay baahida loo qabo abaabul dheeri ah kadib markii Ukraine ay iska-caabin sameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM