Askari Israa'iil ah oo shaqada looga joojiyey jirdilka wariye

Image
Ku dhowaad 90 wariye ayaa lagu dilay gudaha Gaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Yahuuda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliiska Israa'iil ayaa shaqadda ka joojiyay laba askari oo si naxariis darro ah u jirdilay weriye Turki ah oo u shaqeynayay wakaaladda wararka Anadolu.

Mustafa Alkharouf ayaa Jimcihii lagu dhibaateeyay meel u dhow Masjidka al-Aqsa ee ku yaala bariga Quddus ee la haysto markii laba askari oo ka tirsan booliska xuduuda Israel ay weerareen.

Muuqaal aad ugu faafay baraha bulshadda ayaa muujiyay askarta oo qoriga afkiisa madaxa uga dhufanaya wariyaha kadibna madaxa dhowr jeer haraanti ku cel-celis ah ku dhufanaya.

Alkharouf oo ahaa saxafi wararka soo tabiya iyo muuqaal-duube ayaa waxaa loola cararay isbitaal kadib markii ay dhaawacyo daran kasoo gaareen weerarkan.

"Shaqo ka joojinta askarta ayaa socon doonta illaa laga helayo fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan shilkan," ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxdey Taliska Booliska Yahuuda.

Qaar kamid ah Ururada Saxaafadda caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay falka ay sameeyeen ciidamadda Yahuuda waxaana ay ku baaqeen in lagu sameeyo baaritaano caalami ah.

Ku dhowaad 90 wariye ayaa lagu dilay gudaha Gaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Yahuuda 7-da bishii October ee sanadkan 2023-ka, waxaana ku naf-wayaay 14-kun shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM