Askari Maraykan ah oo diidan dagaalka Qasa oo isku Hor gubay Safaarada Israa'iil

Image
Waxaa sii kordhaya codadka ka soo horjeeda taageerada Mareykanka ee Israa'iil.

Washington (GO) - Askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Aaron Bushnell ayaa geeriyooday ka dib markii uu isku gubay afeefka safaaradda Israa’iil maalintii Axadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Bushnell uu isku shiday dab isagoo ku dhawaaqaya “Falastiin Waa Xor”, xilli Saraakiisha Adeegga Qarsoodiga ah ee goobta ku sugnaa ay isku dayeen in ay si degdeg ah u damiyaan dabka, waxaana loo qaaday isbitaal, halkaas oo ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ku ayaa ku tilmaamay dhacdadan “mid murugo leh.”

Bushnell ayaa ka hor inta uu gaysan falkan la xiriiray dhor warbaahin oo ka dhisan maraykanka isaga oo la wadaagay falka uu ku kici doono & ujeedooyinka ka dambeeya.

Bushnell ayaa ku sheegay Fariimahaas uu habka Email-ka ugu diray warbaahinta, “Magacaygu waa Aaron Bushnell. Waxaan ahay xubin ka tirsan Ciidanka Cirka ee Maraykanka, mana sii ahaan doono mid ka qeyb qaata xasuuq. Waxaan ku dhowahay inaan ku kaco fal aad u daran, laakiin marka loo barbar dhigo waxa ay dadka Falastiin kala kulmayaan gacanta gumaystayaashooda, ma aha sidaas”.

Waxaa sii kordhaya codadka ka soo horjeeda taageerada Mareykanka ee Israa'iil gudaha Maraykanka, iyadoo ay sii socdaan dibadbaxyada looga soo horjeedo Duulaanka Israa'iil ee Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM