Australia oo muwaadniinteeda kula talisay in ay k baxaan Lubnaan

Image
Codsigan ayaa daba socda talooyin la mid ah oo ay bixiyeen safaaradaha Mareykanka iyo UK.

DOOXA, Qadar - Australia ayaa ka codsatay muwaadiniinteeda inay si degdeg ah uga baxaan Lubnaan, iyadoo sheegtay inay jirto khatar ka dhalatay xiisadda u dhaxaysa maamulka Israa'iil iyo kooxda Xisbullah.

Codsigan ayaa daba socda talooyin la mid ah oo ay bixiyeen safaaradaha kale ee qaar kamid ah dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska toddobaadkan.

"Hadda waa waqtigii la bixi lahaa, xaaladda ammaanku waxay si degdeg ah u xumaan kartaa ogeysiis la'aan," Wasiirka Arrimaha Dibadda Penny Wong ayaa ku sheegtay muuqaal la soo dhigay X.

Wong ayaa xustay in madaarka Beirut uu gabi ahaanba la xiro karo haddii xaaladdu ka sii darto, oo ay suurtagal tahay inay xayiraan dadka doonaya inay baxaan "muddo dheer".

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata, Penny Wong ayaa waxay ku boorrisay dadka Australiyaanka ah inay adeegsadaan duullimaadyo ganacsi inta ay shaqeynayaan.

Ilaa 15,000 Australian ah ayaa ku nool Lubnaan, iyadoo tirada ay kor u kacday kumaankun bilihii xagaaga ee dalka ee bilaha Juun ilaa Sebtembar, sida laga soo xigtay mareegta arrimaha dibadda ee Australia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo guulo ka sheegtay dagaalka Iran xili khasaaraha Mareykanka kordhay

Trump ayaa sidoo kale soo saaray digniin kulul, isagoo xusay in Mareykanku uu awoodo inuu sameeyo "wax intaas ka sii xun.

  • Caalamka

    11-03-2026

  • 10:36PM

Iiraan oo ku hanjabtay in hal litir oo shidaal ah uusan ka gudbi doonin marinka Hormuz

Afhayeen u hadlay taliska militariga ee Khatam al-Anbiya ayaa sheegay in maraakiibta xiriirka…

  • Caalamka

    11-03-2026

  • 09:40PM