Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyey codsiga Finland ee NATO

Image
Turkiga ayaa muddo bilo ah dib u dhigay dalabkii Finland ee ahaa in ay ku biiraan isbahaysiga difaaca ee reer galbeedka.

ANKARA, Turkey - Finland ayaa noqonaysa waddankii 31-aad ee xubin ka noqda gaashaanbuurta Nato kadib markii baarlamaanka Turkiga uu u codeeyay inuu ansixiyo codsigeeda ku biirida ururka.

Turkiga ayaa muddo bilo ah dib u dhigay dalabkii Finland ee ahaa in ay ku biiraan isbahaysiga difaaca ee reer galbeedka – iyaga oo ka cabanaya in dalkan uu taageero “argagixisada”.

Sweden oo isku mar ay codsiga kus aabsan in ay ku biirto Nato bishii May ee la soo dhaafay ay gudbiyeen Finland, ayaa waxaa weli u xayiran Ankara "oo tirsaneysa cabashooyin".

Balaarinta gaashaanbuurta NATO ayaa waxay ka dhigan tahay in ay taageero difaac taageeraad ay helayaan wadamadda xubinta ka ah iyo guud ahaan xulafadeeda caalamiga ah. wuxuu u baahan yahay taageerada dhammaan xubnaheeda.

Finland ayaa hadda si rasmi ah uga mid noqon doonta shir madaxeedka xiga ee NATO, kaasoo dhacaya bisha Luulyo ee Lithuania loogana hadlayo arrimo dagaalka Ukraine ku jiro.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay: “Waxaan rajaynayaa in aan calanka Finland ka taago xarunta Nato maalmaha soo socda".

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa oggolaaday dalabka Finland horaantii bishan, isagoo ammaanay "tallaabooyin dhab ah oo la taaban karo" oo waddanku ka qaaday amniga Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM