Barlamaanka Faransiiska oo dalbanaya in la badalo siyaasadooda Afrika

Image
SAWIR HORE

PARIS - Mudanayaal ka tirsan barlamaanka faransiiska ayaa dalbanaya in la badalo siyaasadda arimaha dibada dalkooda ee ku wajahan Afrika.

Xildhibaanadan oo 94 gaaraya ayaa gudbiyay Mooshin ay arintaasi ku dalbanayaan iyaga oo ku andacoonaya in Faransiisku uu sii luminayo Afrika ayna tahay in wax laga badalo hanaanki hore ee dalkoodu ula macaamili jiray qaarada.

Madaxweyne, Emmanuel Macron oo dhawaan ka hadlayay xiisadaha Faransiiska Afrika uga soo cusboonaaday ayaa sheegay in dalkiisu uu ka gudbay xiligii uu Afrika farogelin jiray isla markaana midaas uusan samaynayn.

Dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa u weecday dhanka Shiinaha iyo Ruushka kedib Afgembiyo Milatari oo wadamadaas ka dhacay.

Macron oo sii hadlaya ayaa yiri " waxaan ka furaynaa Afrika iyo wadamada kusii harsan saaxiibtinimadeena machadyo ay ka shaqeeyaan shaqaaleheena iyo muwaadiniinta dalalkaas. Machadyadaas waxaa go'aankoodaniska leh iyo doonista dalalka laga furayo".

Faransiiska ayaa ka walaacsan in ficilada looga soo horjeedo ay ku fidaan dalal ay Senegal kamid tahay isaga oo isku dayaya in uu wax ka badalo wadadii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM