Basaasad doonaysey inay khaarijiso Madaxweynaha Ukraine oo gacanta lagu dhigay

Image

UKAINE - Waaxda amniga ee Ukraine ee “SBU” ayaa sheegtay in ay xireen basaasad Ruush ah oo lala xiriirinayo diyaarinta weerar ay ku bartilmaameedsanayso madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky mar uu dhawaan booqday gobolka Mykolaiv.

Waaxda amniga ayaa intaasi ku dartay in haweeneyda ay ururinaysey xogaha sirta ah ee ku saabsan booqashadii habeen hore ee ee Madaxweynaha Ukraine uu ku tagay gobolka Mykolaiv, iyaga oo sheegay inay ka war heleen falalkan qaran-dumiska ee ku kacday eedeysanaha.

Ka dib markii baaris lagu sameeyey dadka ay wacday, waxaa kale oo la ogaaaday in sidoo kale loo dirsaday inay ogaato goobta lagu xareynayo nidaamka dagaalka elektiroonigga ah iyo bakhaarrada rasaasta ee ciidamada Ukraine.

Sida laga soo xigtay baaritaanka, haweeneyda waxay degan tahay magaalaada Ochakov oo dhaca koonfurta Ukraine, waxayna hore wax ka iibin jirtay bakhaar milatari oo ku yaal dhulka mid ka mid ah cutubyada milatariga ee gobolkaas.

Waaxda amniga ee Ukraine, ayaa sheegtay in haweeneydan oo aan magaceeda la shaacin ay ku soo wareegtay dhamaan gobolka Mykolaiv oo u safray madaxweynaha, iyada sawirtay goobo ay leeyihiin ciidamada Ukraine.

Bilowgii dagaalka ka dib, dhinacyada isku haya Ruushka iyo Ukraine waxay isweydaarsadeen eedeymo ku saabsan basaasnimo iyo isku dayo dil, xilli labada dhinac ay doonayaan inay guulo ka gaaraan dagaalka, xitaa haddii ay yihiin dhanka warbaahinta oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM