Bezos oo waydiiyey Musk in iibsashada Twitter -ka saameyneyso siyaasada China

Image

Aasaasaha Amazon.com Inc (AMZN.O) Jeff Bezos ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku weydiiyay haddii Elon Musk 44 bilyan oo doolar uu ku iibsaday madal warbaahinta bulshada oo laga leeyahay Mareykanka ay siineyso Shiinaha "xoogaa fursad  ah oo ay ku isticmaalaan Twitter ".

Twitter (TWTR.N) ayaa laga xayiray Shiinaha, halkaas oo Musk, oo ah qofka ugu taajirsan adduunka, ku leeyahay dano ganacsi oo muhiim ah.

Musk, oo isku magacaaba inuu yahay qof tixgaliya xoriyatul qawlka waxaa uu horey u dhaleeceeyay siyaasadda Twitter ee ku aadan qaabka ay u ilaaliyaan nuxurka qoraaladooda,, ayaa heshiis uu ku iibsanayo Isniintii la gaarey shirkadda.

Dadka u dhaqdhaqaaqa siyaasadda ayaa filaya in lahaanshaha Musk ee Twitter-ka ay la macno tahay dhexdhexaadnimo badan iyo soo celinta shaqsiyaadka horey looga mamnuucay oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Waxaa sidoo kale jira su'aalo ku saabsan waxa heshiisku uga dhigan yahay siyaasadda nuxurka ee Shiinaha ee Twitter-ka maadaama Musk's Tesla (TSLA.O) uu si weyn ugu tiirsan yahay Shiinaha wax soo saarka iyo iibinta baabuurta.

Musk ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay Isniintii: "Waxaan rajeynayaa in xitaa kuwa ugu adag oo wax iga sheega ay ku sii jiraan Twitter-ka, sababtoo ah taasi waa macnaha xorriyadda hadalka."

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay Salaasadii in aanay waxba ka jirin wararka la  isla dhexmarayo oo sheegaya in Beijing ay isku dayi karto in ay awood u adeegsato shirkada Tesla si ay saamayn ugu yeelato  Twitter-ka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM