Biden oo balanqaad u sameeyay dalalka soo koraya

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa soo dhaweeyay yaboohan.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu ugu deeqayo 500 milyan goojo tallaalka Pfizer ah waddamada soo koraya laga bilaabo sanadka nagu soo fool leh.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ballanqaadkaas ka sameeyay shir madaxeedka gaarka ee diirada lagu saarayo 'Covid-19' ee qeybta ka ah kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Biden oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Ameerika ay noqon doonto "hubka talaalka maadaama ay kamid tahay wadamadda ugu hodonsan caalamka oo dhan".

Goojooyinkan dheeraadka ah ayaa waxay ka dhigayaan wadarta ballanqaadka Mareykanka ee wadaagga tallaalka in ka badan hal bilyan kuwaasoo Washington ay horey ugu yaboohdey.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa u sheegay "Waxaan haynaa tallaallo waxtar leh oo ka dhan ah COVID-19. Waan joojin karnaa masiibada".

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Taasina waa sababta aan u codsanayey qorshe tallaal oo caalami ah waxaanan rajaynayaa in shir-weynahaani uu yahay tallaabo dhinacaas loo qaaday".

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in kaliya 15% deeqihii la ballanqaaday ee tallaallada laga helay waddammada hodanka ah la gaarsiiyay dhamaan wadamadda soo koraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM