Biden oo Madaxweyne ka mamnuucay inuu galo Mareykanka

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, waxaana tallaabadan uu Biden uga jawaabay doorashadi dhawaan uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega.

Dowladda Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaantay mid lagu shubtay.

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiyaal gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen dimoqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika.

Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicaragua.

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM