Biden oo mar kale iska-indha-tiray xasuuqa shacabka Falastiin

Image
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkeystay in rasaas badan u dirayaan Yahuuda.

NEW YORK, United States - Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday Aqalka Cad, madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkeystay "xaquuqda Israa'iil ee ah in ay ahaato dowlad madax-bannaan oo Yuhuudi ah ay tahay mid aan la dhayalsan karin".

Biden waxa uu qiray in uu sanado badan uu khilaaf kala dhaxeeyay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, laakiin waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulkiisu uu sii wadi doono "inuu taageero militari siiyo [Israa'iil] ilaa ay ka takhalusayaan Xamaas".

"Laakiin, laakiin - waa inaan taxaddarnaa, waa inay taxaddaraan: dhammaan ra'yiga dadweynaha adduunka ayaa isbedeli kara habeen, ma ogolaan karno inay taasi dhacdo," ayuu yiri.

Biden waxa uu la kulmay dhaleecayn baahsan oo ku aadan in uu ku guul daraystay in uu ku baaqo xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza kadib duqeymo is-daba-joog ah.

Maamulka Biden ayaa waxa uu si lama filaan ah u xannibay go’aamadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqayay in dagaalka la joojiyo, isaga oo diiradda saarey Golaha Congress-ka Mareykanka si rasaas badan loo siiyo Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM