Biden oo markale taageero u muujiyay Israa’iil

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Israa’iil ay u dhaqmi doonto si waafaqsan shuruucda caalanka ee ku aadan dagaalka, isagoo intaa ku daray in aanay loo baahneyn in ciidamada Mareykanka dib dambe loo diro Bariga Dhexe.

Wareysi uu siiyay barnaamijka "60 Minutes" ee ka baxa CBS News, ayuu madaxweyne Biden ku muujiyay sida uu u aaminsan yahay in ururka "Xamaas" ay tahay in gebi ahaanba la tirtiro.

Biden ayaa ka digay in khatarta in weerar argagaxiso laga geysto Maraykanka ay kor u kacday xiisadda Bariga Dhexe awgeed.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in Iiran ay si joogto ah u taageerto Xamaas iyo Xisbullah, balse ma jirto cadeyn cad oo muujineysa in ay ka danbeyso dagaalkan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM