Bileyska London oo u digay Muslimiinta kahor aaska Elizabeth II

Image
Tani ayaa ka dambeysay kadib markii ay su'aallo waydiiyeen shaqsiyaad loo xukumay argagixisanimo.

LONDON, UK - Saraakiisha booliiska UK ayaa rag Muslimiin ah oo lagu xukumay sharciga argagixisanimada su’aalo ka weydiiyay sida ay u arkaan dhimashada boqorada Elizabeth II waxayna ku booriyeen inay ka fogaadaan bartamaha London inta lagu guda jiro aaska qaran ee Isniinta, sidda ay ogaatey Middle East Eye.

Ugu yaraan nus darsin rag ah, oo lagu helay dembiyo aan rabshad lahayn sida uu dhigayo sharciga argagixisanimada, ayaa booqdeen ama ay u waceen taliska bilayska weyn ee London ee ka hortagga argagixisada (SO15) toddobaadkan sababo ku aadan qorshahooda maalinta aaska boqoradda, sida uu sheegtay kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee CAGE.

Raggan ayaa dhamaantood waxa ay ku jiraan shuruudo ogeysiin ah, taas oo la macno ah in ay si adag loo dabagalo oo ay warbixin siinayaan mas'uuliyiinta ka hortagga argagixisada. Shuruudaha inta badan waxay la xiriiraan shaqadooda iyo noloshooda gaarka ah.

Tusaale ahaan, sarkaal dhar-cad ah ayaa booqday guriga mid ka mid ah raggaas horraantii toddobaadkan waxaana hooyadiis oo da' ah ay u sheegtay askarta in wiilkeeda uu ku jiro shaqada.

Saraakiishu waxay damceen inay ninka goobtiisa shaqo ugu yimaadaan arrin degdeg ah, ka hor inta aysan ku heshiin inay kula kulmaan saldhigga booliiska deegaanka.

Intii lagu guda jiay su'aallo waydiinta, waxa ay ku weydiiyeen aragtidiisa ku aaddan geerida boqoradda iyo qorshihiisa ku aaddan aaska qaran ee maalinta Isniinta ah.

Aaska Elizabeth II oo loo asteeyay in ay tahay maalin fasax ah dalka UK oo dhan, ayaa noqonaysa aaskii ugu horeeyay ee heer qaran ah tan iyo markii uu geeriyooday ra'iisal wasaarihii hore Winston Churchill sanadkii 1965-kii. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana booliska uu dadka faray feejignaan dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM

Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 08:04AM