Boqolaal ka mid ah dadka ka soo jeeda Armenia oo ka qaxay gobolka Nagorno-Karabakh

Image

YEREVAN, Armenia - Muwaadin u dhashay dalka Armenia ayaa la wadaagay wakaaladda wararka ee Reuters in dadka Armenian ay bilaabeen in ay isaga-baxaan caasimadda gobolka gooni u goosadka ee Nagorno-Karabakh, iyaga oo ku sii jeeda Armenia.

Dowladda Armenia ayaa sheegtay Axaddii in 1,050 qof ay ka soo tallaabeen gobolka Karabakh, oo ah gobol ku yaala dalka Asarbayjan balse ay u badanyihiin qowmiyadda Armenian.

Dawladdu waxay ku dartay bayaanka ay soo saartay in 1,050 qof oo soo galay Armenia laga bilaabo 10:00 habeenimo, iyaga oo ka soo qaxay gobolka dhawaan dagaalka ka qarxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM