Boqolaal ku dhimatay isbuurasho ka dhacdey garoon kubada cagta ah

Image
Image
Image
Image
Taageereyaasha kooxda laga badiyey ayaa xoog kusoo galay qalcadda taasoo sababtey in booliska uu awood adeegsado.

JAKARTA, Indonesia - Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhimatay 180 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib rabshado iyo isbuurasho ka dhalatay ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Indonesia, sida ay booliisku sheegeen.

Taageerayaasha naadiyada Javanese ee Arema iyo Persebaya Surabaya ayaa isku dhacay ka dib markii Arema looga adkaaday 3-2 ciyaar ka dhacday Malang Regency ee Bariga Java.

Jamaahiirta dhinacii laga adkaaday ayaa gudaha u galay garoonka, mas’uuliyiintuna waxay ku rideen sunta dadka ka ilmeysiisa, "taasoo keentay in dad badan ay is jiid jiid iyo kiisas neef qabatin ah," ayuu yiri taliyaha bilayska ee Bariga Java, Nico Afinta.

"Soddon iyo afar qof ayaa ku dhintay garoonka Kanjuruhan, inta kalena waxay ku jireen cisbitaal, waxaana ku dhaawacmay 180," ayuu yidhi. Labo askari oo booliis ah ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa markii dambe tirada dhimashada ku sheegay 129, waana mid ka mid ah masiibooyinka ugu dhimashada badan ee garoonnada ciyaaraha adduunka.

Maamule isbitaal ayaa u sheegay TV-ga maxalliga ah in hal dhibane uu ahaa shan jir. Wasiirka amniga Indonesia, Mahfud MD, ayaa sheegay in tirada daawadayaasha ay dhaaftay awoodda garoonka Kanjuruhan.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee mareegata Instagram Axadii ayuu daaha kaga rogay in 42,000 oo tigidh la siiyay garoon awood u leh inuu qaado 38,000 oo qof.

Masiibooyinka kale ee garoomada ka dhacay waxaa ka mid ah garoonkii Hillsborough Stadium ee 1989-kii oo ku burburay UK, kaasoo ay ku dhinteen 97 taageere oo Liverpool ah, iyo musiibadii garoonka Port Said ee 2012 ee Masar halkaas oo 74 qof ay ku dhinteen isku dhacyo. .

Sannadkii 1964-kii, 320 qof ayaa ku dhintay in ka badan 1,000 kalena way ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday ciyaartii isreebreebka Olombikada ee Peru iyo Argentina ku dhexmartay garoonka qaranka ee Lima.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM