Boqolaal Maraykan ah oo iskood isu xilqaamay si ay u joojiyaan qulqulka muhaajiriinta

Image
Kooxdan ayaa Isniinta u dhaqaaqi doonta xuduudaha uu dalka Maraykanka la leeyahay Mexico.

Austin (GO) - Boqolaal qof ayaa qorsheynaya inay aadaan xadka gobolka Texax ee Maraykanka uu la leeyahay Mexico si ay uga hortagaan muhaajiriinta ka soo gudbaya dalkaas.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka, kooxda ayaa ka abaabulaya dhaqdhaqaaqooda aalada Telegram, waxayna ilaa hadda haystaan ​​1,600 qof.

Kooxdan ayaa Isniinta u dhaqaaqi doonta xuduudaha uu dalka Maraykanka la leeyahay Mexico., waxayna qaban doonaan 3 isu soo bax oo ka kala dhici doona gobollada California, Arizona, iyo Texas.

Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Annagu ma nihin dagaalyahanno, kaliya waxaan dooneynaa in cid kasta oo xadka ka soo gudubta wax laga qabto, waxaana halkan u nimid in aanu si nabad ah ugu mudaharaadno”.

Kooxdu waxa ay sheegtay in mid ka mid ah yoolkeeda uu yahay in si degdeg ah loo joojiyo socdaalka sharci darrada ah iyo in la xiro xuduudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM