Boqorada UK oo laga xayuubinayo xil ay ka hayso Jamaica

Image
Barbados ayaa talaabo noocaan oo kale qaadey taasoo soo afjartey sanado ay Queen Elizabeth II haysatay maqaam madaxeed.

LONDON, Britain – Boqorada Ingiriiska ayaa waayi doonta maqaamkeeda madaxeed ee jasiirada Caribbean-ka ee Jamaica, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Hannaanka looga xayuubinayo boqoradda jagada ay hadda u hayso Jamaica oo ah madaxa dowladda waxay mari doontaa dhowr marxaladood oo ay ka mid yihiin cod ay u qaadaan mudaneyaasha baarlamaanka iyo afti dhanka shacabka ah.

Marlene Malahoo Forte QC, madaxa wasaaradda Sharciga iyo arrimaha dastuurka, ayaa arrintan kaga dhawaaqday baarlamaanka taasoo keeni doonta in Jamaica ay noqoto Jamhuuriyad.

Ms Malahoo Forte ayaa tiri: "Ujeedadu waa in ugu dambeyntii la soo saaro Dastuur cusub oo Jamaica ah, oo uu ansixiyay baarlamaanka Jamaica, in la dhiso Jamhuuriyadda Jamaica oo baarlamaani ah meeshana laga saaro boqortooyadda, xaqiijinta aayo-ka-tashigayada, iyo hidaha dhaqanka".

Waddanka Barbados ayaa talaabo noocaan oo kale qaadey taasoo soo afjartey sanado ay boqoradda Ingiriiska maqaam madaxeed ku lahayd dalkan ku yaala jasiirada Caribbean-ka.

Boqoradda UK, Queen Elizabeth II oo dhowaan u dabaaldegtay in ay xilkan hayso 260-sano, ayaa xubin sharafeed sarre ka haysatay qaar kamid ah dowladaha uu soo gumeystay Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM