Boqorka Bahrain: Maanta wax iga farxad badan ma jirto inaan la kulmo Putin

Image

MOSCOW - Boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa Arbacadii shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ruushka, isagoo ka degay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee magaalada Moscow, halkaasoo xaflad soo dhaweyn ah si toos ah looga daawanayay TV-ga Ruushka loogu sameeyay.

Al Khalifa wuxuu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Khamiista maanta ah, sida uu sheegay aqalka Kremlin.

"Madaxdu waxay ka wadahadleen xaaladda hadda ka jirta Bariga Dhexe iyo iskaashiga Ruushka iyo Bahrain ee ganacsiga, dhaqaalaha, tamarta iyo dhaqanka," ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda Ruushka.

Boqorka ayaa markii ugu horeysay gaaray dalka Ruushka muddo sideed sano ah, isagoo booqashadii ugu dambeysay ay ahayd sanadkii 2016. 

"Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu farxadda badan noloshayda sababtoo ah tani waa maalinta aan sugayay inaan kula kulmo," ayuu Boqorka Bahrain u sheegay Putin.

2022, boqorku wuxuu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo wada xaajoodyada Ruushka iyo Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo lagu eedeeyay inuu booqanayo dalal qoyskiisa dano ganacsi ka leh

Bishii hore, wiilka labaad ee Trump, Eric Trump, ayaa dhameystiray heshiis ku kacaya $5.5 bilyan oo lagu dhisayo xarun golf oo casri ah gudaha Qatar.

  • Caalamka

    13-05-2025

  • 05:03AM

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM