Boqortooyaddii uusan calankeeda cadceedda la dhicin oo dalal hor leh ka baxayaan

Image
Sanadkii hore waxaa ka baxay dalka Barbados oo hadda noqotay jamhuuriyad. 

LONDON, UK - Dalka Antigua iyo Barbuda ayaa ku dhowaaqay in ay ka baxayaan boqortooyada Ingiriiska, islamarkaasna noqonayaan jamhuuriyad madax banaan kadib geeridii boqran Elizabeth II. 

Gaston Browne oo ah Raisulwasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in afti dadweyne loo qaadayo kasii mid ahaanshaha boqortooyada. 

Dalkani wuxuu ka mid yahay 15 dal oo hoos harsanayay calanka boqortooyadda oo mar lagu tilmaami jirey mid uusan calanka ka dhicin. 

Waxaa dalalkaasi ka mid ah Britain, Australia, Canada, New Zealand , Iceland , The Bahamas, Belize, Graneda, Saint Kitts and Navis, Saint Lucia, Saint Vincent, Grenadines, Solomon Island, Jamaica , Papua New Ginue iyo Tuvalu. 

Sanadkii hore waxaa ka baxay dalka Barbados oo hadda noqotay jamhuuriyad. 

Dalka Australia waxaa jira baaqyo cusub oo ku wajahan in boqortooyada laga boxo, balse Raisulwasaaraha hadda jooga Antony Albanis wuxuu sheegay in ugu yaraan moowduucaas aanan laga hadli doonin dhawrka sano ee soo socota. 

Boqorka cusub ee Charles III ayay u taalaa hawl xoogan oo uu kusii xajinayo dhammaan dalalkii ay boqortooyada maamuli jirtay iyo waliba ururka barwaaqo sooranka oo xudun u ah awoodihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu eedeeyay inay buunbuuninayaan guulaha ay ka gaareen dagaalka Iran

Madaxweynaha ayaa bartiisa Truth Social ku sheegay inuu dib u dhigi doono weerarada ilaa dhammaadka toddobaadka.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 02:55PM

Trump oo dib u dhigay duqeymo lagu qorsheeyay xarumaha tamarta Iran

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Trump uu Sabtidii siiyay Iran 48 saacadood si ay dib ugu furto marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 12:55PM