Calooshood u shaqaystayaasha Ruushka oo "laga diley" 30 kun

Image
Wasaaradda difaaca UK ayaa sheegtay in tirada askarta Ruushka kaga dhimatay Ukraine ay kor dhaafayaan 200 kun oo askar.

WASHINGTON, USA - Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa in kooxda Wagner ee calooshood u shaqaystayaasha ah ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Ruushka ee Ukraine laga dilay dagaalamayaal kor u dhaafaya 30 kun.

Afhayeenka Aqalka Cad ee arrimaha amniga qaranka John Kirby ayaa xusay in 90% askartaasi dhimatay ay yihiin dad maxaabiis ahaa oo horey dambiyo u geystay oo dagaalka si qasab ah loosoo galiyay.

Dhanka kale wasaaradda difaaca UK ayaa tibaaxdey in tirada askarta Ruushka kaga dhimatay Ukraine ay kor dhaafayaan 200 kun oo askar.

Wagner ayaa ah koox shirkad gaar ah ay maamusho oo calooshood u shaqaystayaal ah, kuwaas oo kaliya ku hawlgala mushaar iyo in faa’iidooyin kale oo ay ka mid tahay in laga cafiyo dambiyo ay Ruushka gudihiisa ka geysteen.

Waxa ay hadda dagaal laga jiraan magaalada Barkhut halkaas oo la sheegay in waxoogaa horumar ka sameeyeen, lagana yaabo in ay magaalada la wareegaan kadib todobaadyo ay dagaalada socdeen.

Magaalada oo ay degenaayeen 70 kun oo qof ayaa hadda waxaa ku haray 6 kun oo kaliya sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM