Canada iyo Sacuudiga oo soo afjaray khilaaf ka dhaxeeyay tan iyo 2018-kii

Image
Xiisada ayaa markii ugu horeysay waxay ka dhalatay xariga dad u ololeeya xuquuqda aadanaha.

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya iyo Canada ayaa ku dhawaaqay inay dib u billaabayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyagoo soo afjaraya khilaaf xooggan oo ka dhaxeeay tan sanadkii 2018-kii.

Hadalo kala duwan oo ay soo saareen ayay labada dal ku sheegeen inay dib u soo celin doonaan heerkii ugu sareeyay ee xiriirkii diblumaasiyadeed ee soo jiray ka hor 2018-kii.

Sidoo kale labada dhinac waxay soo magacaabi doontaa safiir cusub. Sacuudiga ayaan weli ku dhawaaqin danjiraha matalaya, halka Canada ay magacawday Jean-Philippe Linteau, oo muddo dheer xubin ka ahaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ah.

Talaabadan ayaa waxaa keenay wadahadal dhex maray Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan intii lagu guda jiray Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifigga (APEC) ee November.

Kanada oo sharaxaad ka bixinaysa sababta go'aankan dambe u qaadatay ayaa waxay soo xigatay "ixtiraamka labada dhinac iyo danaha guud" inay tahay dhiirigelinta xiriirka dib loo soo nooleeyay.

Xiriirka diblumaasiyadeed ayaa markii ugu horeysay burburay sanadkii 2018-kii markaasoo Sacuudi Carabiya ay xirtay dhowr haween ah oo caan ku ahaa difaacida xuquuqda aadanaha.

Haweenka la xiray waxaa ka mid ahaa Samar Badawi, iyo walaalkeeda, Raif Badawi, oo mucaarad ahaa, isna waagaas la xiray. Xaaskiisa iyo caruurtiisa ayaa u qaxay dalka Canada, halkaasi oo ay ka heleen dhalasho.

Xariga cusub ayaa dhaliyay fariimo xiriir ah oo baraha bulshada lagu taageerayo dhaqdhaqaaqayaasha, oo ay ugu horreyso wasiirka arrimaha dibadda Canada, ka dibna wasaaradda arrimaha dibadda lafteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM