Carro ka dhalatay xukun dil ah ay Iiraan fulisay

Image

TEHRAN, Iiraan – Isu-soo-bax naadir ah oo lagu diidan yahay dowladda Iiraan kana qabsoomay fagaare, dibad-baxayaasha isugu yimid bannaanka guriga nin Kurdish ah oo la toogtay ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah xukuumada Tehran.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalada Heidar Ghorbani ee uu ka soo jeedo ee Kamyaran, oo ka tirsan gobolka Kurdistan, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa shahiid.

Ghorbani, oo 48 jir ahaa, ayaa lagu helay dilka saddex qof oo lala xiriiriyay Ilaalada Kacaanka Iran ee caanka ah.

Balse, wuu diiday in uu wax xiriir ah la leeyahay dilka, waxaana hay’adaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in uu ahaa maxbuus siyaasadeed.

Ghorbani ayaa lagu helay dambi ah inuu xubin ka ahaa koox mucaarid hubaysan oo dibad joog ah - Xisbiga Dimuqraadiga ee Kurdistan Iran (PDKI) - kaasoo u dagaalama madax-banaani wayn oo ay helaan bulshada Kurdiyiinta Iran.

Axadii, waxaa lagu toogtay xabsiga Sanandaj ee ku yaala waqooyi-galbeed ee Iran. Iran ayaa sannad kasta fulisay xukunno ka badan sannadihii u dambeeyay marka laga reebo Shiinaha.

Amnesty International ayaa ku qiyaastay in ugu yaraan 246 qof lagu fuliyay dil toogasho gudaha Iran 2020, waxayna sheegtay in ay isa soo tarayso in loo isticmaalo ciqaabta dilka "hub lagu cadaadiyo mucaaradka, dibad-baxayaasha iyo xubnaha kooxaha laga tirada badan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM