Ciidamada Israel oo amar cusub kusoo rogay shacabka Gaza

Image
Amarkan waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay markii la beegsadey ciidamo Yahuud ah.

DOOXA, Qadar - Ciidanka Israa'iil ayaa awaamiir ku siiyay dadka deggan dhowr meelood oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha marinka Qaza, sidda ay ku warantay Warbaahinta Al Jazeera.

Amarkan ayaa, sidda ku xusan warbixinta ay faafisay Al Jazeera, waxa uu yahay in shaqsiyaadkan ay "si degdeg ah u faarujiyaan gabi ahaanba hoygooda ku yaalla aagga Deir al-Balah".

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in amaradan uu qeyb ka yahay "hakinta xeeladaysan ee ku meel gaarka ah ee hawlaha milatari sababo salka ku haya bini'aadantinimo".

Joojinta howlgaladan milatari ayaa waxaa la sheegay in ay si rasmi ah u dhaqan gali doonto afar saacadood laga bilaabo 10 subaxnimo [8:00 GMT] maanta oo Jimce ah.

"Suuragal ma noqon doonto in la maro Waddada Saalax al-Diin, laakiin la sii maro Waddada Al-Rashid (Al-Bahr)," ayay raacisay fariinta ka timid milatariga Yahuuda.

Iyadoo ciidamada Israa’iil ay marar badan soo saareen awaamiir tan la mid ah, haddana warar dheeraad ah oo laga helayo gudaha dalkaasi waxay muujinayaan in sababta keentan amarkan.

Xogta cusub ee laga helay warbaahinta Yahuuda ayaa waxa ay tibaaxaysa in amarkan uu ka dambeeyay markii la beegsaday goobo ama waddooyin ay ciidamadu sheegeen inay ammaan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM