Ciidamada Yahuuda oo go'doomiyey isbitaalo ku yaalla Gaza

Image
Cisbitaallada ayaa waxa ay kala yihiin Naasir iyo Al-Amal taas oo keentay in ay ka cararaan shaqaalaha.

DOOXA, Qadar - Ururka Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa war-saxaafadeed waxa uu ku sheegay "in ciidamada Israa'iil ay si ba'an u duqeeyeen isbitaalka Al-Amal ee Khan Younis.

Cisbitaallada ayaa waxa ay kala yihiin Naasir iyo Al-Amal kuwaas oo ay ciidammada Israa’iil go’doomiyeen dhowrkii maalmood ee aynu kasoo gudubnay.

"Waxaan luminay xarun caafimaad, xarumo waaweyn iyo taasiilaadkii aan ku taageereynay dadka Khan Younis," ayuu yiri Thomas White, oo ah agaasimaha UNRWA ee arrimaha Gaza.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo shaqaalaha caafimaadka lasoo warinayo in ay si degdeg ah ugu ku biirayaan kumanaan qof oo ka qaxaya magaalada koonfurta Gaza.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyey wararka sheegaya inay fuliyeen duqeymo lagu beegsaday Saldhigga Xuuthiyiinta ee UAV iyo 10 “UAVs oo hal dhinac ah”.

Milateriga Mareykanka ayaa xusay in gantaaladda UAVs "ay soo bandhigeen khatar ku wajahan maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta ciidamada badda Mareykanka ee gobolka".

"Horaan waxaan u sheegnay in Xuutiyiintu ay sheegteen weerar ay ku qaadeen markabka ganacsi ee Mareykanka “KOI” ee mara gacanka cadmeed," ayaa lagu yiri bayaanka taliska CENTCOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM