Ciidamada Yahuuda oo go'doomiyey isbitaalo ku yaalla Gaza

Image
Cisbitaallada ayaa waxa ay kala yihiin Naasir iyo Al-Amal taas oo keentay in ay ka cararaan shaqaalaha.

DOOXA, Qadar - Ururka Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa war-saxaafadeed waxa uu ku sheegay "in ciidamada Israa'iil ay si ba'an u duqeeyeen isbitaalka Al-Amal ee Khan Younis.

Cisbitaallada ayaa waxa ay kala yihiin Naasir iyo Al-Amal kuwaas oo ay ciidammada Israa’iil go’doomiyeen dhowrkii maalmood ee aynu kasoo gudubnay.

"Waxaan luminay xarun caafimaad, xarumo waaweyn iyo taasiilaadkii aan ku taageereynay dadka Khan Younis," ayuu yiri Thomas White, oo ah agaasimaha UNRWA ee arrimaha Gaza.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo shaqaalaha caafimaadka lasoo warinayo in ay si degdeg ah ugu ku biirayaan kumanaan qof oo ka qaxaya magaalada koonfurta Gaza.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa xaqiijiyey wararka sheegaya inay fuliyeen duqeymo lagu beegsaday Saldhigga Xuuthiyiinta ee UAV iyo 10 “UAVs oo hal dhinac ah”.

Milateriga Mareykanka ayaa xusay in gantaaladda UAVs "ay soo bandhigeen khatar ku wajahan maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta ciidamada badda Mareykanka ee gobolka".

"Horaan waxaan u sheegnay in Xuutiyiintu ay sheegteen weerar ay ku qaadeen markabka ganacsi ee Mareykanka “KOI” ee mara gacanka cadmeed," ayaa lagu yiri bayaanka taliska CENTCOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM