Ciidanka Badda Iran oo Qabsaday Markab Saliid Siday

Image

OMAN - Ciiddanka Badda ee Iran ayaa xaqiijiyey inay qabsadeen markab saliid siday oo ku sugnaa Gacanka Cumaan. Waxaa soo baxay warbixinno sheegaya in markabka St Nikolas saaka lagu kacay rag hubeysan.

Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee IRNA ayaa daabacday war kooban oo xaqiijinaya qabsashada markabkaas oo ay fuliyeen ciidamada badda Iran. Ma aysan sheegin magaca markabka, balse waxay xuseen in qabsashadu ay timid kadib amar maxkamadeed.

St Nikolas ayaa hore ugu lug lahaa muran kala dhexeeyay waaxda caddaaladda Mareykanka, taas oo keentay in la qabto hal milyan oo barmiil oo saliid Iran laga leeyahay.

Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badaha Boqortooyada Midowday (UKTMO), taas oo bixisa digniino ku socda badmaaxiinta Bariga Dhexe, ayaa sheegtay in dhacdadan ay billaabatay aroortii hore, 50 mayl u jirta xeebta Cumaan.

GO+WAKAALADAHA 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM