Ciraaq: dad boqol ka badan oo dab ku Geeriyooday

Image

BAQDAAD - Gobalka Niinawa ee dalka Ciraaq dad kor u dhaafaya boqol qof ayaa ku geeriyooday ke dib markii uu dab ka kacay goob ay ka socotay xaflad Aroos.

Masuuliyiinta dowlada Ciraaq ayaa sheegay in ay Xireen in ka badan 13 qof oo ay ku jiraan 4 qof oo mulkiilayaasha xarunta ahaa.

Wasiirka arimaha gudaha Ciraaq,Cabdil Amiin Al-Shumari ayaa warbaahinta u sheegay in 93 qof dhimashadooda ay xaqiijiyeen isla markaana dhaawucu uu intaas ka badan yahay.

Wasiirka Caafimaadka ee Ciraaq, Saalax Mahdi Xasanaawi ayaa sheegay in ay u saareen guddi ka sal gaara khasaaraha dhacdada iyo waxyaabaha ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM