Ciraaq: Kumnaan qof oo ka qeybgalay aaskii dadka ku dhintay xafladii arooska

Image

BAQDAAD - Kumanaan qof oo ka soo jeeda gobolka Nineveh ee waqooyiga Ciraaq ayaa sii waday maalintii 2-aad inay u baroor diiqdaan dhibanayaashii uga dhintay habeenimadii Talaadada xaflada meherka ee Al-Hamdaniya.

Dad badan ayaa ka soo qeyb galay aaska lagu dhigay kaniisadda Katooliga ee Al-Tahira ee ku taal degmada Al-Hamdayna subaxnimadii Khamiista. Aaska waxaa ka muuqday Dumar ku labisan dhar madow waxaana wajiyadooda ka muuqday murugo iyo xanuun.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa qaar ka badbaaday dabka. Waxaana Sawirada dhibanayaasha, oo ay ku jiraan caruur, rag iyo dumar, lagu safay afeefka hore ee kaniisadda.

Arooska iyo aroosada ayaa la wariyay in ay caafimaad qabaan, xaaladdooduna ay wanaagsan tahay, iyaga oo ka cararay goobta xaflada isla markii uu kacay dabka.

In kasta oo ay nool yihiin, haddana waxay dabka ku waayeen ehelkoodii. Aroosku waxa ay weyday dhamaan qoyskeedii, oo ka mid 3 nin oo walaalaheed ah iyo dhamaan adeeradeed, halka, ninkii arooska ahaa hooyadii uga dhimatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM