Codsi loo jeediyay Biden oo ku saabsan Falastiiiniyiinta

Image

WASHINGTON (GO) - Koox ka tirsan wakiilada Dimuqraadiga ayaa ku booriyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu u ogolaado dalxiisayaasha, ardayda iyo shaqaalaha Falastiiniyiinta ah inay sii joogaan dalka.

In ka badan 100 ka tirsan Dimuqraadiyiinta, oo uu hoggaaminayo Senator Dick Durbin, ayaa warqad u diray Biden, si loogu oggolaado dadka ka soo jeeda dhulka Falastiiniyiinta ee ay haysato Israa’iil in helaan fursado shaqo.

"Marka la eego iska-horimaadka hubeysan ee socda, Falastiiniyiinta horeyba ugu sugnaa Mareykanka waa inaan lagu qasbin inay ku laabtaan dhulka Falastiin.” ayaa ku xusan waraqdda ay direen sharci-dajiyayaashu.

Go’aankan waxa kaliya ka faa’iidaysan kara falastiiniyiinta horeyba u joogay Maraykanka, mana la shaacin tirada dadka ee lagu dari doono barnaamijkan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM