Colombia: Tobanaan ruux oo ku naf-waayay bas rogmaday

Image
Booliska oo baaritaan ku sameeyay ayaa soo bandhigay natiijo horudhac ah oo sababtey dhacdadan.

BOGOTA, Colombia - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo Sabtidii ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Pasto iyo Popayan ee koonfur-galbeed ee Colombia.

Shilkan ayaa, sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliska waddankaas, wuxuu ka dambeeyay ka dib markii uu baska ku rogmaday waddada Pan-American Highway.

Baska ayaa marayey inta u dhaxaysa magaalada dekedda leh ee Tumaco, oo ku taal koonaha koonfur-galbeed ee Colombia, iyo Cali, oo 320 kiiloomitir (200 mayl) ka xigta waqooyi-bari markii ay shilku dhacay.

"Nasiib darro, waxaan haynaa dhimasha 20 qof," ayuu yiri Capt. Albertland Agudelo oo ka tirsan waaxda Narino bilayska waddooyinka kaasoo u waramay warbaahinta gudaha.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Agudelo ayaa wuxuu raaciyey: "Male-awaalka la baaray ayaa ah in ay u muuqatay in cillad farsamo ay soo gaartay baska kahor inta uusan rogman.

Sawirro laga soo qaaday telefiishanka Colombia ayaa muujinayay bas uu ku rogmaday waddada horraantii Sabtidii isla markaana kooxda gurmadka degdeg ah ay gaareen meesha ay wax ka dhaceen.

Colombia oo kamid ah wadamadda ku yaala Koonfur Ameerika ayaa waxaa ku badan shilalka noocaan ah waxaa aalaaba loo aaneeyaa darawalada oo xawaareeya iyo waddooyinka oo u badan kuwa buuraley ku dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM