Cuba oo ka warbixisay weerar loo geystay Safaaradda dalkaas ee Maraykanka

Image

WASHINGTON - Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez Parrilla ayaa bartiisa bulshada ee X ka sheegay in habeenimadii Axadda weerar loo adeegsaday “molotov cocktails”  loo geystay safaaradda Cuba ee magaalada Washington, isagoo intaa ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarka.

Weerarka ayaa dhacay saacado un kadib markii hogaamiyaha Cuba Miguel Díaz-Canel uu dib ugu soo laabtay jasiiradaasi, ka dib markii uu ka soo qeyb galay shirarkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York todobaadkii hore.

Safaaradda Cuba ayaa dib loo furay 2015-kii markaasoo labada dal ay dib u soo ceshadeen xiriirkooda diblumaasiyadeed ee go’ay tan iyo 1961. Rodriguez ayaa sheegay in sidoo kale rasaas lagu furay safaaradda sanadkii 2020-ka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM